Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee caasimadda Qatar si uu uga qeyb galo tacsida geerida Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Xamad bin Khalifa Aal Thaani.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Hamad ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar iyo Safiirka Soomaaliya ee Qatar. Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulan tacsiyadeed la yeesho Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani.
Doha waxaa sidoo kale gaaray madax iyo wafdiyo heer sare ah oo ka socda dalal badan, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuweyd, Cumaan, Ciraaq, Suuriya, Pakistan, Itoobiya, Kazakhstan, Maldives, Rwanda, Lubnaan, Marooko iyo Liibiya. Wafdiyadan ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii hore


