Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Doha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee caasimadda Qatar si uu uga qeyb galo tacsida geerida Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Xamad bin Khalifa Aal Thaani.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Hamad ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar iyo Safiirka Soomaaliya ee Qatar. Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulan tacsiyadeed la yeesho Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani.

Doha waxaa sidoo kale gaaray madax iyo wafdiyo heer sare ah oo ka socda dalal badan, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuweyd, Cumaan, Ciraaq, Suuriya, Pakistan, Itoobiya, Kazakhstan, Maldives, Rwanda, Lubnaan, Marooko iyo Liibiya. Wafdiyadan ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii hore

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles