Shir Looga Hadlay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Muqdisho Lagu Qabtay

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Guure, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay tayada iyo horumarinta biyaha sifeysan, kaas oo lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay warshadaha biyaha sifeysan ee ka howlgala Muqdisho iyo masuuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta sheybaarka ayaa soo bandhigay qorshe lagu xoojinayo hubinta tayada biyaha, iyagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga si bulshada Muqdisho u hesho biyo nadiif ah.

Dhankooda, mas’uuliyiinta warshadaha ayaa ayaa maamulka Gobolka Banaadir ku amaanay samaynta xarunta Shaybaarka oo ay sheegayn inay hayso shaqo hufan.

Gebagebadii, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay Sheybaarka Gobolka Banaadir iyo warshadaha biyaha sifeysan dadaalka ay ugu jiraan sidii shacabka Muqdisho u heli lahaayeen biyo nadiif ah, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta labada dhinac.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles