Shir Looga Hadlay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Muqdisho Lagu Qabtay

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Guure, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay tayada iyo horumarinta biyaha sifeysan, kaas oo lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay warshadaha biyaha sifeysan ee ka howlgala Muqdisho iyo masuuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta sheybaarka ayaa soo bandhigay qorshe lagu xoojinayo hubinta tayada biyaha, iyagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga si bulshada Muqdisho u hesho biyo nadiif ah.

Dhankooda, mas’uuliyiinta warshadaha ayaa ayaa maamulka Gobolka Banaadir ku amaanay samaynta xarunta Shaybaarka oo ay sheegayn inay hayso shaqo hufan.

Gebagebadii, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay Sheybaarka Gobolka Banaadir iyo warshadaha biyaha sifeysan dadaalka ay ugu jiraan sidii shacabka Muqdisho u heli lahaayeen biyo nadiif ah, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles