Thursday, September 18, 2025

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axme Al-Sharaa oo eedeyn u jeediyay Israa’iil

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya ayaa sheegay, in cid kasta oo ku xad-gudbay qowmiyadda Druze ee dalkaasi lala xisaabtami doono, ka dib iska horimaadyo ay ku dhinteen in ka badan saddex boqol iyo konton qof.

Axmed al-Sharaa ayaa hadlay kadib markii ciidamada Suuriya ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada ay ku badanyihiin qowmiyaddaas Druze ee Sweida.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyadda amniga deegaanada Druze uu ku wareejinayo odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu ku eedeeyay Israa’iil in ay “bartilmaameed ballaaran” ku hayso goobaha rayidka iyo dawladda Suuriya

Israa’iil waxay sheegtay in ciidamada Suuriya ee ku sugan Sweida ay weerar ku qaadeen dadka rayidka ah ee Druze, Arbacadiina waxay duqeymo xagga cirka ah ku qaadeen goobaha dowladda Suuriya oo ay ku jiraan wasaaradda gaashaandhigga iyo madaxtooyada.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles