Saturday, April 18, 2026

Puntland oo cadeysay inaysan aqoonsaneen dhismaha SSC Khaatuma

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay mowqifkeeda ku aaddan dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo ku dhawaaqday in aysan Puntland aqoonsanayn maamulkaasi illaa laga qabto shirweyne guud oo wadatashi ah oo ay ka qaybqaataan dhammaan beelaha Puntland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in gobollada Sool iyo Cayn ay ka tirsan yihiin Puntland, sida ku cad Dastuurka maamulka, islamarkaana aan la aqbali karin in si gaar ah loo gooniyeeyo maamulka SSC-Khaatumo iyada oo aan laga helin sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud.

“Gobollada Sool iyo Cayn iyo beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Puntland waxay si kulul u cambaareysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay faragelin toos ah oo lagu wiiqayo amniga iyo dowladnimada Puntland. Maamulka Garoowe ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay damacsan tahay burburinta xasiloonida gobolka, islamarkaana ay carqaladeynayso dagaalka Puntland kula jirto kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Sida war-saxaafadeedku xusay, Dowladda Federaalka ayaa ku kacday talaabo xadgudub ah, kadib markii ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo — arrin Puntland u aragto mid dhaawaceysa heshiiskii dhismaha federaalka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Puntland.

Go’aanka Puntland ayaa si degdeg ah uga dhaliyay fal-celin xooggan oo kasoo yeertay qaar ka mid ah siyaasiyiinta SSC-Khaatumo. Murashax Madaxweynaha SSC, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, iyo siyaasi Cabdirisaaq Ibraahim Ataash ayaa si cad uga horyimid sheegashada Puntland, iyagoo ku tilmaamay “mid aan sharciyad lahayn oo aan la aqbali karin.”

Labada siyaasi ayaa xusay in shacabka dega SSC ay hadda si xor ah uga tashanayaan mustaqbalkooda, ayna dhisteen maamul u taagan xuquuqdooda iyo amnigooda, iyadoo aan loo baahnayn in cid kale sheegato gobolladaas.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta Yemen oo si kulul uga hadlay tallaabada Israa’iil ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ee Yemen ayaa...

Xasan Sheekh oo Turkiga kula kulmay La taliyaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah...

Israa’iil oo shaacisay in tirada duqeymaha ay ka fulisay Iran

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa soo saaray tirooyin cusub oo...

Soomaaliland oo ku dhawaaqay in Ciidanka ay la wareegi doonaan ciddii lagu arko hub sharci darro ah

Taliyaha Ciidanka  Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, oo...

Taliyaha ciidanka xoogga oo amar ku bixiyay in hubka laga mamnuuco Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles