Madaxweyne Deni oo saraakiisha ammaanka kala hadlay howlgalka ka socda Buuraha Calmiskaad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda buuraleyda Calmiskaad, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta iyo dhameystirka gulufka ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ah.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Puntland, waxaana Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire, lataliyeyaal Madaxweyne, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka.

Madaxweynaha ayaa warbixin dhameystiran ka dhegaystay saraakiisha iyo khubarada hawlgalka, kuwaasoo soo bandhigay guulaha la gaaray intii uu socday hawlgalka Calmiskaad, hawlgalladii la fuliyay, iyo qorsheyaasha dhanka amniga ee socda, gaar ahaan u diyaar garowga wajiga xiga ee Calmadow.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka ciidanka Puntland ay ku bixinayaan sugidda amniga iyo ciribtirka kooxaha khatarta ku ah deegaannada Puntland. Wuxuu si gaar ah u ammaanay doorka shacabka Puntland ee ku aaddan garab istaagga ciidanka, isagoo tilmaamay in taageerada shacabka gudaha iyo dibaddaba ay tahay tiir muhiim u ah guusha hawlgalka.

Sidoo kale, saraakiisha amniga ayaa ku nuuxnuuxsaday in howlgalka lagu wado si qorshaysan, iyadoo lagu wajahan yahay dhameystir buuxa oo lagu xaqiijinayo in kooxaha argagixisada aysan mar dambe dib ugu soo laaban karin buuraleyda Puntland.

Dowladda Puntland waxay mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay in la tirtiro kooxaha argagixisada ah, isla markaana loo sugo shacabka Puntland nabad waarta iyo xasillooni joogto ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles