Wednesday, June 17, 2026

Madaxweyne Deni oo saraakiisha ammaanka kala hadlay howlgalka ka socda Buuraha Calmiskaad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda buuraleyda Calmiskaad, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta iyo dhameystirka gulufka ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ah.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Puntland, waxaana Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire, lataliyeyaal Madaxweyne, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka.

Madaxweynaha ayaa warbixin dhameystiran ka dhegaystay saraakiisha iyo khubarada hawlgalka, kuwaasoo soo bandhigay guulaha la gaaray intii uu socday hawlgalka Calmiskaad, hawlgalladii la fuliyay, iyo qorsheyaasha dhanka amniga ee socda, gaar ahaan u diyaar garowga wajiga xiga ee Calmadow.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka ciidanka Puntland ay ku bixinayaan sugidda amniga iyo ciribtirka kooxaha khatarta ku ah deegaannada Puntland. Wuxuu si gaar ah u ammaanay doorka shacabka Puntland ee ku aaddan garab istaagga ciidanka, isagoo tilmaamay in taageerada shacabka gudaha iyo dibaddaba ay tahay tiir muhiim u ah guusha hawlgalka.

Sidoo kale, saraakiisha amniga ayaa ku nuuxnuuxsaday in howlgalka lagu wado si qorshaysan, iyadoo lagu wajahan yahay dhameystir buuxa oo lagu xaqiijinayo in kooxaha argagixisada aysan mar dambe dib ugu soo laaban karin buuraleyda Puntland.

Dowladda Puntland waxay mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay in la tirtiro kooxaha argagixisada ah, isla markaana loo sugo shacabka Puntland nabad waarta iyo xasillooni joogto ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles