Tuesday, March 3, 2026

Madaxweyne Deni oo sheegay in dad xun aysan waxba u dhimi karin maamulka Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qaybgalay kulan lagub dhiirigelinayo doorkii ay haweenka Puntland ka qaateen dagaalka Daacish ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo hawlgalka Hillaac.

Madaxweyne Deni ayaa bulshada ugu baaqay inay laba indhood yeeshaan muddada ay socdaan hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabaddiidka ee Daacish iyo Alshabaab.

Deni ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in dadka intooda xun aysan waxba yeeli karin Puntland haseyeeshee loo baan yahay in bulshada il gaar ah ku hayso cidkasta oo doonaysa inay dibin-daabyeyso reer Puntland.

“Hawlgalkaas inta aan kujirno waxaa la rabaa inaan laba indhood yeelano, isha cadawga argagixisada iyo isha dadka raba inay Puntland dibin-daabyeeyaan, dad xun waxba ma yeeli karaan Puntland hadday waxkasta sameeyaan waayo dad wanaagsan ayaa kunool”, Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles