Madaxweyne Xasan oo hoggaanka Liibiya kala hadlay arrimaha tahriibka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkan Mudane Cabdixamiid Dubayba oo ay ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada tahriibka, dhaqaalaha, tamarta iyo diblumaasiyadda.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Liibiya iskaashiga ku aaddan soocelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee tahriibeyaasha ah, kuwaas oo duruufo adag ay ku qabsadeen dalkan, waxa uuna xusay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka tahriibka iyo daryeelka muwaadiniinta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray danaha wadajirka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo siyasadeed ee labada dowladood ee walaalaha ah.

Madaxweynaha iyo Hoggaamiyaha Liibiya ayaa isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca tamarta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga khibradaha iyo teknoolajiyada casriga ah ee ku saabsan tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo sahminta shidaalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdixmiid Dabaybah ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, kuwaas oo ay Labada Dowladood u kala saxiixeen Wasiirrada iyo Madaxda ay khuseyso, si oo kor loogu qaado iskaashiga horumarinta maalgashiga, is-dhexgalka dhaqaale iyo  adeegyada bulshada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sheekh Shariif oo DF ku eedeeyay duqeyntii lala beegsaday guriga Taliye Mahad ee Doolow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Khayre oo Cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday guriga Janaraal Mahad ee Doolow

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

DFS oo ka Hadashay weerarkii lagu qaaday Guriga Taliye Shub ee Doolow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay wararka sheegaya in...

Q.M oo Soomaaliya ku dartay liiska dalalka laga weeraray Suudan

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay waxay magaalada...

 Xildhibaan Odawaa muxuu ka yiri duqeyntii lala beegsaday Taliye Shub

Xildhibaan Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si kulul...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles