Sunday, August 16, 2026

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta safar dhulka ah kusoo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa u kuurgalka nolosha bulshada iyo amniga deegaanka, subaxnimadii hore ka soo bilaabay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isla markaana soo maray deegaannada Xananbuure iyo Godinlabe, waxaana galabta boqolaal ka mid ah bulshada degmada Cadaado si diiran ugu soo dhoweeyeen fagaare ku yaalla bartamaha magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada Cadaado kula hadlay goob fagaare ah ayaa ku ammaanay isku duubnida, ilaalinta nabadda iyo taageerada dowladnimada, isaga oo ugu baaqay in ay si buuxda uga qayb qaataan halganka kama dambaysta ah ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana garab istaagaan ciidamada Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta dalka iyo difaaca shacabka.

WARARKII KALE

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Wajahan Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka ambabaxaya...

DF oo ka hadashay haweenay ku geeriyootay Hargeysa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles