Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo dhigiisa dalka Masar Cabdul Fatax Al-sisi.
Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.
Sidoo kale labada dhinacyada ayaa waxaa ay ka wadahadli doonaan xaalada Gobolka, gaar ahaan xiisada ku aadan webiga Nile, ee u dhexeeya dalalka Masar iyo Soomaaliya.
Labada masuul ayaa sidoo kale ka hadli doono ciidamada Masar.
Madaxweynahaย Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.