Madaxweyne xasan sheekh iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha dalkaasi, Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo muujiyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda dowladaha geeska Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti, waxaana muddada uu dalkaasi joogo kulamo la yeelandoonaa Madaxda sare ee dalka Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles