Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda Iska Diiwaan-giliyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta iska diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku ammaanay Guddiga Doorashooyinka Qaranka tallaabooyinka ay u qaadeen qabsoomidda doorashooyinka tooska ah.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursadda diiwaan-gelinta, si ay u helaan xaqa dastuuriga ah ee ku saabsan in ay codkooda ku doortaan hoggaanka iyo masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada iyo masiirka dalka.

“Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha waa mahadsan yihiin. Doorasho qof iyo cod ah in ay dalka ka dhacdo waa rajo muddo dheer soo socotay, waxay ku qornayd Dastuurkeenna ku meelgaarka ahaa. Dadka Soomaaliyeed in ay u soo noqoto awooddooda ku saabsan in ay yeeshaan go’aanka doorashada hoggaankooda ha noqdo Xildhibaan heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah, Madaxweynaha dalka iyo Hoggaanka heer dowlad goboleed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey laamaha amniga, Guddoonka degmooyinka iyo bulshada deegaannada ay ka socoto is-diiwaan gelinta, kuwaas oo si masuuliyad leh isula wada geeddi socodka is-diiwaan gelinta doorashada.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles