Madaxweyne Xasan Sheekh oo Furaya Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka

Villa Hargeysa ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu jeedin doono khudbaddiisa dastuuriga ah ee furitaanka. 

Inta badan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa shalay dib ugu soo laabtay dalka, si ay uga qeyb galaan furitaanka kalfadhiga iyo howlaha horyaalla Golaha.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa inay diiradda saarto xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga, dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo qorshayaasha dowladda ee bilaha soo socda.

Marka la soo gabagabeeyo furitaanka kalfadhiga, Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu guda galo magacaabista Guddiga qabanqaabinaya doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo muddo kooban gudaheed la filayo in la qabto doorashada guddoonka Golaha.

Loolanka kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sii xoogeysanaya, waxaana u taagan xubno badan oo wada olole xooggan si ay u helaan taageerada xildhibaannada.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, kadib furitaanka kalfadhiga, la filayo inuu u ambabaxo furimaha hore ee dagaalka si uu ula socdo howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka socda deegaannada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles