Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed, kaddib guul taariikhi ah oo ay ka gaareen isreeb-reebka tartanka AFCON 2027.
Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa guushan gaarey markii ay ka adkaadeen dhiggooda dalka Mauritius, taas oo u sahashay inay markii ugu horreysay taariikhda u gudbaan heerka guruubyada tartanka AFCON.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciyaartoyda, macallimiinta iyo dhammaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed dadaalka, geesinimada iyo waddaniyadda ay muujiyeen, isagoo xusay in guushani ay farxad gelisay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
“Guushani waxay caddeyn u tahay kartida iyo hibada dhalinyarada Soomaaliyeed, waana tallaabo muhiim ah oo dhiirrigelin u ah horumarka ciyaaraha dalka iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale hambalyo u diray Xulka Qaranka, isagoo ku boorriyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda si ay u gaaraan guulo kale oo waaweyn.


