Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Xulka Qaranka kaddib guul taariikhi ah oo ay ka gaareen AFCON 2027

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed, kaddib guul taariikhi ah oo ay ka gaareen isreeb-reebka tartanka AFCON 2027.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa guushan gaarey markii ay ka adkaadeen dhiggooda dalka Mauritius, taas oo u sahashay inay markii ugu horreysay taariikhda u gudbaan heerka guruubyada tartanka AFCON.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciyaartoyda, macallimiinta iyo dhammaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed dadaalka, geesinimada iyo waddaniyadda ay muujiyeen, isagoo xusay in guushani ay farxad gelisay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Guushani waxay caddeyn u tahay kartida iyo hibada dhalinyarada Soomaaliyeed, waana tallaabo muhiim ah oo dhiirrigelin u ah horumarka ciyaaraha dalka iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale hambalyo u diray Xulka Qaranka, isagoo ku boorriyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda si ay u gaaraan guulo kale oo waaweyn.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles