Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay wasiirada Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo howlo shaqo u jooga Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaasha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka furay ayaa ka qeyb galayaasha kulanka warbixin ka siiyey ujeedka imaanshaha wafdiga uu hogaaminayo ee Baydhabo, isagoo faray in la dardargeliyo howlaha wasaaradaha Koonfur Galbeed, si aysan hakad u gelin adeegyada loo haayo bulshada.

Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa warbixin ka siiyey howlaha ay bulshada reer Koonfur Galbeed u haayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan dardargelinta u adeegida bulshada, isagoo u sheegay in ay shaqada wasaaradaha ay sii wadaan inta laga qabanaayo doorasho ay raali ka yihiin bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye luxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles