Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir deg-deg ah oo looga hadlay xaaladda dalka Congo DRC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay, Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaasi oo looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Shirkan oo ay Madaxdu ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka EAC, sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo (DRC), isaga oo dhinacyada is haya ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata, waxa uuna usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya in ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha.

Ugu dambayn, Madaxda dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ee shirkan ka qayb galay ayaa isla qaatay in la qabto Shir degdeg ah oo ay madaxda Ururka EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ay kaga wada hadlayaan colaadda sokeeye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulamaya Madaxda dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub oo shir xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles