Thursday, February 6, 2025

Laba diyaaradood oo ku dhacay duleedka Washington

Diyaarad rakaab ah iyo mid kale oo helikobter ah ayaa ku dhacay meel u dhow garoonka qaranka Reagan ee duleedka Magaalada Washington, DC,sida ay ka dhawaajiyeen Aqalka Cad iyo Hey’adda duulimaadyada ee Mareykanka.

Labadaan diyaaradood oo lagu sheegay jet iyo Black Hawk ayaa ku dhacay wabiga Potomac ee duleedka  Magaalada Washington,kadib markii ay isku jiireen hawada.

Diyaaradda rakaabka ah ee ay leedahay shirkadda American Airlines ayaa lagu waramay in ay sidday 60 ruux iyo 4 shaqaale ah,halka diyaaradda kale oo aheyd kuwa qumaatiga u kaca ay sidday 3 sarkaal oo ciidanka ah.

ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay labadaasi diyaarad ee isku dhacay.

Diyaaradda rakaabka ah ayaa ka soo duushay magaalada Wichita ee gobolka Kansas ee dalka Mareykanka, waxayna ku soo socotay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay in hay’ado badan ay ka qeyb qaadanayaan baadigoobka iyo samata bixinta haddii ay jiraan dad ka badbaaday shilalkaasi,waxaana si ku meel gaar ah loo joojiyay dhammaan duullimaadyada baxaya iyo kuwa soo dagaya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in lagu wargeliyay shilkaasi , wuxuuna ka mahadceliyay gurmadka degdegga ah iyo shaqada cajiibka ah ee halkaasi ka socota.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles