Wednesday, September 10, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Itoobiya

Madaxweynaha dowladda Federaalka  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa uuna ka qayb-geli doonaa shirka 2-aad  cimilada ee Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulamo doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika ee halkaas ka qabsoomaya.

Sidoo kala madaxweynaha ayaa hadal ka soo jeedin doono shirweynaha warbixino ku saabsan xaaladaha Deegaanka iyo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada Soomaaliya, waxaana sidoo kale madaxweynaha uu la yeelan doontaa kulamo gaar gaar ah madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan Deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka Cimilada ee ka qeyb galaya shirka.

Socdaalkan ayaa ku soo aadaya xili RW Itoobiya uu qorsheynayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb galo  furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Nile, kaasi oo si adag uga soo horjeedo dowladda Masar.

Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NISA oo duqeyn ku dishay maskaxdii ka dambeysay weerarkii ka dhacay Ceel-gaabta

Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo...

DFS oo si kulul u cambaareysey weerarka Israel ka geystay Qatar

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa...

Qatar oo cambaareysay weerarka ay Israa’iil ku dishay xubno Xamaas ah

Ciidamada Yuhuudda ayaa sheegay inay duqeynta oo ay fulisay...

Qaraxyo ka dhacay Doha, iyo Israa’iil oo beegsaday madaxda Xamaas

Qaraxyo dhowr ah ayaa goor dhow ka dhacay caasimadda...

Puntland oo qabatay xubno ka tirsan Firxadka Daacish oo gali rabay Boosaaso

Ciidanka Booliiska maamulka Puntland ayaa saakay Aroortii ka qabtay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles