Wednesday, March 4, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Itoobiya

Madaxweynaha dowladda Federaalka  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa uuna ka qayb-geli doonaa shirka 2-aad  cimilada ee Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulamo doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika ee halkaas ka qabsoomaya.

Sidoo kala madaxweynaha ayaa hadal ka soo jeedin doono shirweynaha warbixino ku saabsan xaaladaha Deegaanka iyo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada Soomaaliya, waxaana sidoo kale madaxweynaha uu la yeelan doontaa kulamo gaar gaar ah madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan Deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka Cimilada ee ka qeyb galaya shirka.

Socdaalkan ayaa ku soo aadaya xili RW Itoobiya uu qorsheynayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb galo  furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Nile, kaasi oo si adag uga soo horjeedo dowladda Masar.

Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles