Monday, June 8, 2026

Madaxweyne Lafta gareen oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba.

Garoonkan ayaa lagu dhisay isku-tashi ay iska kaashadeen maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanka, waxaana uu ka mid yahay mashaariicda muhiimka ah ee kor u qaadaya adeegyada iyo isku socodka bulshada gobolka.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa Madaxweynaha waxaa kala qeybgalay mas’uuliyiin heer qaran iyo heer gobol ah, madax dhaqameedyo, culimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Buur Hakaba.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ku ammaanay shacabka iyo Maamulka Degmada Buur Hakaba dadaalka iyo iskaashiga ay muujiyeen, isagoo sheegay in dhismaha garoonkan uu caddeyn u yahay in shacabka Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin in ay hormar sameeyaan marka ay isku duubni iyo dadaal wadanimo muujiyaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles