Tuesday, March 3, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shir looga hadlayey maalgelinta howlgalka AUSSOM

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo looga arrinsanayey maalgelinta howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasillinta gobolka, iyadoo si gaar ah loo dul istaagay muhiimadda taageerada howlgalka AUSSOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo howlgalka AUSSOM ay lama huraan u tahay adkaynta guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, isla markaana ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda xasilloonida gobolka.

Dhankooda, madaxda kale ee shirka ka qaybgalay ayaa ballanqaaday in ay ka shaqeyn doonaan xasilloonida, nabadda iyo amniga Soomaaliya, isla markaana ay garab istaagi doonaan dadaallada socda ee lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab.

WARARKII KALE

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Dagaalka Bariga dhexe oo galay Maalintii afaraad

Iraan ayaa gantaallo horleh u riday dhanka Israa’iil, sida...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles