Tuesday, January 13, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dareenka waddaniyeed iyo wadajireed ee ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay mas’uuliyad weyn iska saareyso in wax kasta oo taabanayo nolosha dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso.

Nasiib darro dawladda Imaaraadku noolama dhaqmin sidii dowlad madax banaan oo mid ah, wali maynaan degdegin marar badan ayaan ka dalbanay inay noola macaamilaan inaan nahay hal dal, qiimayn dheer ka dib waxaa qasab noqotay inaan qaadano go’aanadii shalay soo baxay, go’aanadani waa kuwo ku salaysan difaaca danaha Qaranka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxwaynaha ayaa xusay in sii socoshada heshiisyada Imaaraadka dowladdu kula jirtay ay khatar ku yihiin Qaranimada Soomaaliya iyo midnimada dalka, isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaaliyeed ay xiriir wanaagsan la leedahay caalamka, balse aysan aqbali doonin wax midnimadeeda dhuleed dhaawacaya.

WARARKII KALE

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

Maamulka Puntland oo war ka soo saaray go’aankii dowladda dhexe ee Imaaraadka

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeedsaday go’aankii dowladda federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles