Madaxweyne xasan sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa uga hambalyeeyey safiirradan in ay ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ayaa kala ah:

  • ⁠ ⁠Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya
  • ⁠ ⁠Robert Ifriyie – Safiirka Ghana
  • ⁠ ⁠Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast
  • ⁠ ⁠Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico
  • ⁠ ⁠Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela
  • ⁠ ⁠Kang Hyundshik – Safiirka Korea
  • ⁠ ⁠Hussein Deh – Safiirka Mauritania
  • ⁠ ⁠Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles