Mahad Salaad oo Kulamo la qaatay Mucaaradka si loo adkeeyo Amniga Muqdisho Kahor Bannaanbaxa 4-ta Juun

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu xalay kulamo gaar ah la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saaray sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo bannaanbaxa mucaaradku ku baaqeen inuu dhaco 4-ta bisha Juun.

Kulamadan ayaa daba socda kulan hore oo dhex maray Taliyaha NISA iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaas oo sidoo kale looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga dalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in bannaanbaxyada la qorsheeyay u dhacaan si nabad ah, isla markaana laga hortago wax kasta oo sababi kara khalkhal amni ama isku dhacyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in bannaanbax dhawaan ka dhacay Muqdisho ay ku lug lahaayeen ciidamo hubeysan oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin xubno ka tirsan mucaaradka, arrintaas oo sare u qaadday walaaca la xiriira amniga isu-soo-baxyada siyaasadeed.

Kulamada u socda Taliyaha NISA iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa loo arkaa dadaal lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda si loo ilaaliyo xasilloonida Muqdisho inta lagu jiro bannaanbaxyada la filayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles