Sunday, May 31, 2026

Mahad Salaad oo Kulamo la qaatay Mucaaradka si loo adkeeyo Amniga Muqdisho Kahor Bannaanbaxa 4-ta Juun

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu xalay kulamo gaar ah la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saaray sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo bannaanbaxa mucaaradku ku baaqeen inuu dhaco 4-ta bisha Juun.

Kulamadan ayaa daba socda kulan hore oo dhex maray Taliyaha NISA iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaas oo sidoo kale looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga dalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in bannaanbaxyada la qorsheeyay u dhacaan si nabad ah, isla markaana laga hortago wax kasta oo sababi kara khalkhal amni ama isku dhacyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in bannaanbax dhawaan ka dhacay Muqdisho ay ku lug lahaayeen ciidamo hubeysan oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin xubno ka tirsan mucaaradka, arrintaas oo sare u qaadday walaaca la xiriira amniga isu-soo-baxyada siyaasadeed.

Kulamada u socda Taliyaha NISA iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa loo arkaa dadaal lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda si loo ilaaliyo xasilloonida Muqdisho inta lagu jiro bannaanbaxyada la filayo.

WARARKII KALE

Faransiiska oo dalbaday shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka uga hadlo howlgalka Israa’iil ee Lubnaan

Dowladda Faransiiska ayaa codsatay in si degdeg ah loo...

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay nin dil ka geystay Galgaduud

Ciidamada ammaanka ee degmada Guriceel ayaa gacanta ku soo...

Horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo...

Aadan Madoobe oo Warbixin ka dhegeystay Saraakiisha Amniga ee Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh...

Trump oo dalbaday in wax laga badelo heshiiska Iran

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Donald Trump uu dalbaday...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles