Horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah, howlgalka ayaa lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo la sheegay inuu muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta weerarro iyo falal amni-darro oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dowladdu waxay sheegtay in horjoogahan uu door muhiim ah ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka, isla markaana howlgalka lagu dilay sidoo kale waardiyihiisii gaarka ahaa.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loona xoojiyo amniga deegaannada ay ka howlgalaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlaha ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo la adkeynayo dadaallada lagu sugayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles