Sunday, May 31, 2026

Horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah, howlgalka ayaa lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo la sheegay inuu muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta weerarro iyo falal amni-darro oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dowladdu waxay sheegtay in horjoogahan uu door muhiim ah ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka, isla markaana howlgalka lagu dilay sidoo kale waardiyihiisii gaarka ahaa.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loona xoojiyo amniga deegaannada ay ka howlgalaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlaha ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo la adkeynayo dadaallada lagu sugayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Faransiiska oo dalbaday shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka uga hadlo howlgalka Israa’iil ee Lubnaan

Dowladda Faransiiska ayaa codsatay in si degdeg ah loo...

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay nin dil ka geystay Galgaduud

Ciidamada ammaanka ee degmada Guriceel ayaa gacanta ku soo...

Mahad Salaad oo Kulamo la qaatay Mucaaradka si loo adkeeyo Amniga Muqdisho Kahor Bannaanbaxa 4-ta Juun

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda...

Aadan Madoobe oo Warbixin ka dhegeystay Saraakiisha Amniga ee Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh...

Trump oo dalbaday in wax laga badelo heshiiska Iran

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Donald Trump uu dalbaday...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles