Aadan Madoobe oo Warbixin ka dhegeystay Saraakiisha Amniga ee Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneel Isaaq Berdaale, iyo Taliyaha Nabad-sugidda Koonfur Galbeed, Macalin Saalax Cabdinuur Cali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Baydhabo, iyadoo saraakiishu ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyeen shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada iyo howlgalada ay ciidamada amniga ka sameeyeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen soo afjaridda howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad la sheegay inay isku dayayeen inay falal amni-darro ka geystaan gudaha magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyay dadaallada ay ku xaqiijinayaan amniga magaalada, wuxuuna bogaadiyay doorka ay ka qaateen ka hortagga falalka lagu carqaladeynayo xasilloonida Baydhabo.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ku ammaanay ciidamada kala duwan ee amniga heeganka iyo howlgalada ay wadaan, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo nabadda iyo amniga shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles