Monday, July 27, 2026

Aadan Madoobe oo Warbixin ka dhegeystay Saraakiisha Amniga ee Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneel Isaaq Berdaale, iyo Taliyaha Nabad-sugidda Koonfur Galbeed, Macalin Saalax Cabdinuur Cali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Baydhabo, iyadoo saraakiishu ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyeen shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada iyo howlgalada ay ciidamada amniga ka sameeyeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen soo afjaridda howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad la sheegay inay isku dayayeen inay falal amni-darro ka geystaan gudaha magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyay dadaallada ay ku xaqiijinayaan amniga magaalada, wuxuuna bogaadiyay doorka ay ka qaateen ka hortagga falalka lagu carqaladeynayo xasilloonida Baydhabo.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ku ammaanay ciidamada kala duwan ee amniga heeganka iyo howlgalada ay wadaan, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo nabadda iyo amniga shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles