Trump oo dalbaday in wax laga badelo heshiiska Iran

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Donald Trump uu dalbaday in wax laga beddelo dhowr qodob oo ka mid ah heshiis la soo jeediyay oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.

Sida uu sheegay wargeyska New York Times, isbeddelladan waxaa ka mid ah in shuruudaha heshiiska laga dhigo kuwo adag, waxaana qaabka dib loo eegay loo diray Iran si ay u qiimeyso.

Sidoo kale, warbaahinta Axios ayaa sheegtay in Mr. Trump uu ku baaqay in la xoojiyo qodobbo la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran iyo uranium-ka la hodmeeyay.

Wargayska New York Times ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa ilo xog-ogaal u ah arrinta, in madaxweynaha Mareykanka uu codsaday isbeddello lagu sameeyo nuqulka heshiiska ka dib markii uu dib u eegay. Ilaha ayaa sheegay in aan si buuxda loo caddeyn waxa ay isbeddelladaasi noqon doonaan, balse ay ujeeddadoodu tahay in la adkeeyo qaar ka mid ah qodobbada heshiiska.

Sida ay sheegayaan ilo Mareykan ah, isbeddelladan waxay kordhin karaan muddada wada-xaajoodyada u dhexeeya dhinacyada dhowr maalmood oo dheeraad ah, isla markaana waxay dib u dhigi karaan go’aanka kama dambaysta ah ee heshiiska.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles