Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex dumar ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur, kuwaas oo dad rayid ah ku beegsaday deegaanka Galqoryaale, oo hoostaga isla degmadaas.
Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay yihiin haween, waxaana si degdeg ah loogu qaaday degmada Guriceel si halkaasi looga helo daryeel caafimaad, maadaama ay kasoo jeedaan deegaankaas.
Xaaladda dhaawacyada haweenka ayaa lagu soo waramayaa inay kala daran tahay, iyadoo la geeyay xarumaha caafimaad ee magaalada.
Maleeshiyaadka Weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday, lamana oga sababta ka dambeysay weerarka lagu qaaday dadka rayidka ah.
Galgaduud ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kaasi oo loo geysto dadka aan waxba galabsan, iyadoona gobolkaasi uu hareeyay dagaal.