Wednesday, July 9, 2025

Warmurtiyeed maanta laga saarayo shirka gogosha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho

Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoona la filayo in dhinacyadii ka qeyb galay ay si wadajir ah u soo saaraan warmurtiyeed rasmi ah.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa si qoto dheer looga dooday arrimaha amniga, hanaanka doorashooyinka, iyo dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka. Doodahaasi ayaa la tilmaamay inay ahaayeen kuwo adag, iyadoo dhinacyadu ay muujiyeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Shirkan  ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa hareeyay muran siyaasadeed oo salka ku haya qorshaha Madaxweynaha ee ku aaddan doorasho qof iyo cod ah, taasi oo si weyn uga hor yimid mucaaradka dalka. Xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba ka maqnaa shirkan, iyagoo si cad u diiday qorshaha doorasho ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kuna tilmaamay mid aan la isku raacsanayn.

Sidoo kale, shirka waxaa ka baaqday ka qeyb galka madaxda maamul goboleedyada

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles