DFS oo sheegtay in muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed laga soo qaaday dalka Iiran lana geeyay dalka Turkiga

Howlwadeennada Safaarada JFS ee wadanka Turkiga ayaa goor dhawayd ku guulaystay inay xuduudka Dowladda Iran soo dhaafsiiyaan una soo gudbiyaan dhanka dalka Turkiga muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Mustafa Cali Macalin oo uu dhaawac fudud kusoo gaaray magaalada Tehran kadib weerar ay Israel halkaas kusoo qaaday.

Dr. Mustafa Cali Macalin oo wadanka Iran dhaqtarnimada ku bartay ayaa ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo ilaa toboneeyo lagu qiyaasay oo wadanka Iran wax ku barta.

Safaarada JFS ee Ankara ayaa maalmaahaan ku mashquulsan inay muwaadineenta Soomaaliyeed ee Iran ku sugan laga soo kaxeeyo halkaas hadii ay magaalada ay ku sugan yihiin ku dareemaan amni xumo.

Safaarada JFS ee Ankara waxay mahad gaar ah u celinaysaa dowlada Turkiga oo fududeeysay sidii Dr. Mustafa loo soo gaarsiin lahaa wadanka Turkiga si uu halkaas ugaga sii gudbo wadankiisa Soomaaliya.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles