Monday, June 22, 2026

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku weeraray deegaan hoostaga Ceelbuur

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex dumar ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda degmada Ceelbuur, kuwaas oo dad rayid ah ku beegsaday deegaanka Galqoryaale, oo hoostaga isla degmadaas.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay yihiin haween, waxaana si degdeg ah loogu qaaday degmada Guriceel si halkaasi looga helo daryeel caafimaad, maadaama ay kasoo jeedaan deegaankaas.

Xaaladda dhaawacyada haweenka ayaa lagu soo waramayaa inay kala daran tahay, iyadoo la geeyay xarumaha caafimaad ee magaalada.

Maleeshiyaadka Weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday, lamana oga sababta ka dambeysay weerarka lagu qaaday dadka rayidka ah.

Galgaduud ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kaasi oo loo geysto dadka aan waxba galabsan, iyadoona gobolkaasi uu hareeyay dagaal.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Roobka Muqdisho oo Hakad geliyay Ganacsiga iyo Gaadiidka

Roob saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa hakad...

Guddoomiye Sacdiya oo ku Baaqday in si Deg deg ah loo soo afjaro Colaadda Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Ciidamada Dowladda oo gaaray Jalalaqsi iyo waan waan socota

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada...

 Booliiska Banaadir oo Baadi-goob Ku haya eedeysanayaal lagu eedeeyay Xadgudub

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay socdaan howl-gallo...

Sacdiyo Bajaaj Oo Hortageysa Maxkamad, Maxaa Cusub

Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo si weyn loogu yaqaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles