Tuesday, March 3, 2026

Maleeshiyaad Hubeysan oo weerar ku qaaday xabsiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaaday saldhiga xabsiga magaaladaasi.

Maleeshiyaadka ayaa beegsaday xabsiga oo ay ku xiran yihiin maxaabiis xukuman iyo kuwa kale oo xukun sugayaal ah, waxaana kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidamada ammaanka ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka kooxda weerarka qaaday uu ahaa inay xoog kusoo furtaan nin ku xiran xabsigaasi oo la xukumay, hayeeshee waxay dagaal kala kulmeen ciidamadii ilaalinayay xabsiga, iyada oo sidaas uu ku bilowday dagaalka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Ma jio wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammanka Puntland iyo mas’uuliyiinta waqooyiga Gaalkacyo ee ku aadan weerarka lagu qaaday xabsiga dhexe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles