Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo weerar ku qaaday deegaanka Aboorey ee G/Hiiraan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo-burte,  ee Gobolkaasi.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab, waxaa ayna gubeen gaadiid dagaal oo ay lahaayeen kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan Nuur Cilmi Cariif  oo wareysi siiyay Risaala Media ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay miinooyin ku aaseen wadooyinka gala deegaanka Aboorey, wuxuuna xusay in maalmaha soo aadan ay Al-shabaab ka saari doonaan deegaankaasi.

Deegaanka Aboorey ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee G/Hiiraan ay wadaan Guluf xooggan oo ku doonayaan in ay dib ugu qabsadeen deegaankaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles