Mareykanka oo baaraya in gantaal uu ku dhacay aroos ka dhacayay Iiraan

Milatariga Mareykanka ayaa baaraya sheegashada Iran ee ah in duqeymo ay ka fuliyeen dalkaas ay dileen ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, xilli uu aroos ka socday koonfurta Iran, sida uu sheegay Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka JD Vance.

Ururka Bisha Cas ee Iran (IRCS), oo ah hay’ad samafal oo bani’aadamnimo, ayaa sheegay in firirka gantaal uu Talaadadii ku dhacay xafladda arooska oo ka dhacaysay guri ku yaalla magaalada Sirik. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa dhacdada ku tilmaamay “dambi dagaal”.

Gantaallada Mareykanka ayaa la riday isla maalintaas, kaddib markii Iran ay isku dayday inay weerarro ku qaaddo ciidamada Mareykanka. Hase yeeshee, afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku “marnaba aysan bartilmaameedsan rayidka”.

Vance oo Khamiistii hadlay ayaa sheegay inuu “si weyn uga shakisan yahay” wararka ku saabsan duqeynta la sheegay, balse wuxuu xaqiijiyay in Mareykanku uu baaritaan ku samayn doono.

“Waxaan oran karaa warbaahinta dowladda Iran ma ahayn ilo si wanaagsan uga warbixiya waxa ka dhacaya colaaddan ilaa hadda. Sidaas darteed, aad ayaan uga shakisanahay arrintan,” ayuu Vance ka sheegay kulan warbaahineed oo ka dhacay Aqalka Cad.

“Waxaan ogahay in aan baaritaan wadno.”

Iran ayaa weerarro cusub ku qaadday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Kuwait iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ka jawaabaysa duqeynta la sheegay

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo dhambaal hambalyo ah ka gudoomay jabuuti

Hoggaamiyaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa...

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Beesha Caalamka oo dhex-dhexaadinaya heshiiska doorashada, Deni iyo Axmed Madoobe oo amnigooda la sugayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaxiibbada caalamiga ah...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo...

Shiinaha ayaa beeniyay in ay basaaseen madaxa shirkadda Nvidia

Shiinaha ayaa iska fogeeyay waxa uu ku tilmaamay eedeymo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles