Monday, September 1, 2025

Mareykanka oo dilay dagaalamayaal katirsan Daacish

Mareykanka ayaa soo saaray warbixin ay kaga hadlayaa duqeymo lagu beegsaday ISIS oo xalay laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyay duqeymahaasi uu fuliyay Mareykanku.

Waxaana ย duqeynta ay dhacday 16 Feb oo ku beegan xalay lagu beegsaday dagaallamayaasha kooxda Daacish, kaddib iskaashi lala sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

โ€œIyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo ka dhan ah ISIS-Somalia, taasoo ka dhacday waqooyiga bariga Soomaaliya 16-ka Febraayo, 2025โ€ ayaa lagu yeri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in qiimeynta hordhaca ah ee AFRICOM ay muujisay in laba dagaalamae oo ka tirsan dagaallamayaasha Daacish in lagu dilay duqeynta, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray rayidka,.

โ€œQiimeyntii hore ee taliska waxay muujineysaa in duqeynta lagu dilay laba dagaalyahan oo ka tirsan ISIS, mana jirin waxyeello soo gaartay shacabka. Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu sii wadi doonaa qiimeynta natiijooyinka howlgalkan wuxuuna bixin doonaa macluumaad dheeraad ah haddii loo baahdo. Si loo sugo amniga hawlgalladaโ€ sidaasi ayaa ku xusan Warsaxaafadeedka ka soo baxay Militariga Mareykanka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles