Friday, August 14, 2026

Mareykanka oo dilay dagaalamayaal katirsan Daacish

Mareykanka ayaa soo saaray warbixin ay kaga hadlayaa duqeymo lagu beegsaday ISIS oo xalay laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyay duqeymahaasi uu fuliyay Mareykanku.

Waxaana  duqeynta ay dhacday 16 Feb oo ku beegan xalay lagu beegsaday dagaallamayaasha kooxda Daacish, kaddib iskaashi lala sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo ka dhan ah ISIS-Somalia, taasoo ka dhacday waqooyiga bariga Soomaaliya 16-ka Febraayo, 2025” ayaa lagu yeri qoraalka kasoo baxay AFRICOM.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in qiimeynta hordhaca ah ee AFRICOM ay muujisay in laba dagaalamae oo ka tirsan dagaallamayaasha Daacish in lagu dilay duqeynta, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray rayidka,.

“Qiimeyntii hore ee taliska waxay muujineysaa in duqeynta lagu dilay laba dagaalyahan oo ka tirsan ISIS, mana jirin waxyeello soo gaartay shacabka. Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu sii wadi doonaa qiimeynta natiijooyinka howlgalkan wuxuuna bixin doonaa macluumaad dheeraad ah haddii loo baahdo. Si loo sugo amniga hawlgallada” sidaasi ayaa ku xusan Warsaxaafadeedka ka soo baxay Militariga Mareykanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya...

 DFS oo maanta saraakiil ciidan geysay Beledxaawo ee Gedo

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl...

Muwaadin Soomaali ah oo Britain lagu maxkamadeynayo

Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, ayaa wajahaya maxkamad...

Ukraine oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa la sheegay inuu Yurii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan yahay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles