Saturday, January 31, 2026

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe

Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka xoogga  oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in la fuliyay hawlgal duqeyn ah oo daba joogay dagaalkii lagu jabiyay Khawaarijta ee ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Howlgalka duqeynta ah oo ka dhacay deegaanka Laba Garas ayaa ujeedkiisu ahaa burburinta dhagar qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo qorsheynayay in ay dib u isku abaabulaan kadib jabkii ay kala kulmeen dagaalkii cashirka ay ugu dhigeen Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka ee ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidanka Qalabka Sida iyo Saaxiibada AFRICOM ayaa ku hawlan xoojinta iskaashiga ciribtirka Khawaarijta iyo qiimeynta khasaaraha Khawaarijta ku gaaray hawlgaladii u dambeeyay oo marba marka ka dambeysa isa soo taraya, taas oo muujineysa in ay Khawaarijtu sii jabayaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles