Thursday, July 31, 2025

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay deegaanka Mubaax iyo gulufka oo xoogeystay

Taliska Ciidamadda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxay fuliyeen weeraro dhanka cirka ah oo ka dhacay duleedka Degmadda Aadan Yabaal meel u dhow deegaanka Mabaax ee Gobaladda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM, duqeyntan ayaa qayb ka ah dadaallada is-kaashi ee u dhexeeya dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo wiiqo awoodda kooxda Al-Shabaab. “Taliska Mareykanka ee Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa sii wadi doona tallaabooyin lagu yareynayo qorsheynta, fulinta, khataraha iyo awoodda kooxda Al-Shabaab ee weerarada halista ku ah Mareykanka, saaxiibadeenna iyo dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Africom ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa dhacday xilli ay socdeen dagaallo culus oo ka dhacayey deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka (Macawiisley), oo garab ka helaya shacabka deegaanka, iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalladaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba.

 Dhanka kale inta u dhexeysa soohdinta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ayaa waxaa xalay ka dhacay duqeymo lala beegsaday saldhigyo maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyihiin halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha.

Duqeyman ayaa ku soo aadaya xili ciidamadii ugu badnaa oo gurmad ah ay gaareen xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, kuwaasi oo ku biiray dagaalka ka socda Hirshabelle.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles