Sunday, April 12, 2026

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo caalami ah oo lagu joojiyo hubka loo gudbinayo Ciidammada Gaarka ah ee Suudaan (RSF), kuwaas oo lagu eedeeyay dil-wadareedyo ka dhacay El-Fasher.

Hadalladiisii ugu dambeyay ee uu ka jeediyay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Kooxda 9 (G-9) ee ka dhacay Kanada, Rubio wuxuu sheegay in RSF-ay fuliyeen dilal arxan darro ah, kufsi iyo xadgudubyo galmo oo ka dhan ah shacabka.

Ciidanka Suudaan ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta (UAE) inay hub iyo dagaalyahanno ka soo daabushay Afrika si ay ugu taageerto RSF-. Imaaraadka iyo RSF- marar badan ayay beeniyeen eedeymahaas.

Hadallada Rubio ayaa ah kuwa ugu adkaa ee maamulka Trump si cad uga yiri dagaalka Suudaan iyo ficillada RSF, hase yeeshee weli lama hubin waxa ka dhalan doona.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa...

Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista

RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa...

Geelle oo mar 6-aad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha...

Uganda oo weerar afka ah ku qaaday Turkiga, kuna faanay doorkii Uganda ee dagaalladii Muqdisho

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, ahna wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni,...

Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles