Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha dalka Iiraan inay si degdeg ah uga baxaan dalkaasi, kaddib digniin amni oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka lagu boorriyay inay adeegsadaan marinnada dhulka, gaar ahaan kuwa u gudba dalalka Turkiga ama Armenia, maadaama ay jiraan xaalado amni oo aan la hubin iyo caqabado ka jira duulimaadyada iyo adeegyada qunsuliyadeed ee Mareykanka ee Iiraan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in awoodda ay u leedahay inay gargaar degdeg ah siiso muwaadiniinteeda ku sugan Iiraan ay aad u xaddidan tahay, maadaama Mareykanku uusan safaarad ama qunsuliyad ku lahayn dalkaasi.
Inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin sababta keentay digniintan degdegga ah, haddana tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu kacsan yahay xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, isla markaana ay taagan tahay xiisad amni oo ka jirta gobolka Bariga Dhexe.
Mareykanka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay muwaadiniintiisa inay la socdaan xaaladda amniga, ayna qaataan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u ilaashadaan badqabkooda, inta ay ka suurtagalayso ka bixitaanka dalka Iiraan.


