Wednesday, March 4, 2026

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Degdeg Uga Baxaan Iiraan

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha dalka Iiraan inay si degdeg ah uga baxaan dalkaasi, kaddib digniin amni oo ay  soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka lagu boorriyay inay adeegsadaan marinnada dhulka, gaar ahaan kuwa u gudba dalalka Turkiga ama Armenia, maadaama ay jiraan xaalado amni oo aan la hubin iyo caqabado ka jira duulimaadyada iyo adeegyada qunsuliyadeed ee Mareykanka ee Iiraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in awoodda ay u leedahay inay gargaar degdeg ah siiso muwaadiniinteeda ku sugan Iiraan ay aad u xaddidan tahay, maadaama Mareykanku uusan safaarad ama qunsuliyad ku lahayn dalkaasi.

Inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin sababta keentay digniintan degdegga ah, haddana tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu kacsan yahay xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, isla markaana ay taagan tahay xiisad amni oo ka jirta gobolka Bariga Dhexe.

Mareykanka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay muwaadiniintiisa inay la socdaan xaaladda amniga, ayna qaataan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u ilaashadaan badqabkooda, inta ay ka suurtagalayso ka bixitaanka dalka Iiraan.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles