Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah lagu qaaday kooxaha Daacish ee ku sugan waqooyi-galbeed Dalka Nigeria.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo mas’uul ka ah howlgallada Afrika ayaa sheegay in weerarka cirka lagu dilay tiro badan oo Daacish ah,kadib markii ay tilmaameen in uu codsi uga yimid madaxda Dalka Nigeria.
“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa taageerada iyo iskaashiga dowladda Nigeria”, ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth
Duqeyntaan oo ka dhacday Magaalada Sobota ee Gobolka Sokota ayaa dabasocota amar ka yimid Madaxweynaha Mareykanka,kaas oo tilmaamaya in la bilaabo duqeyn ka dhan ah Daacishta ku sugan Dalka Nigeria oo cadaadis ba’an ku haya dadka Masiixiyiin ah ee ku dhaqan dalkaasi.


