Wednesday, November 12, 2025

Mareykanka oo sheegay in Suuriya ay ka taageerayaan dagaalka Daacish

Maraykanka ayaa sheegay in Suuriya ay ku biirayso isbahaysiga caalamiga ah ee looga adkaanayo kooxda Daacish, isla markaana ay dib u bilaabayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Washington.

Tani ayaa waxay ku soo beegantay wadahadallo ka dhacay Aqalka Cad, oo dhex maray Donald Trump iyo madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa.

Suuriya ayaa ku biiri doonta isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalamaya kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka, taasi oo calaamad u ah isbedel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump.

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli madaxweyne Donald Trump uu Aqalka Cad kula kulmay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa, waa booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Suuriyaan ah taariikhda dalkaas.

Isagoo wareysi siinayay Fox News, al-Sharaa wuxuu sheegay in booqashadu ay qayb ka tahay “waa cusub” oo waddanku uu iskaashi kula yeelan doono Mareykanka.

WARARKII KALE

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles