Mareykanka oo weeraray qalabka gantaallada laga rido ee Iiraan oo ku yaala jasiiradda Larak

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ku qaaday laba xarumood oo ay yaalleyn qalabka laga rido gantaallada oo Iiraan leedahay jasiiradda Larak, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Tani waxay noqonaysaa duqeyntii ugu horreysay ee la ogyahay oo Mareykanku ku qaado Iiraan tan iyo dhammaadkii bishii Luulyo.

“Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa la arkayay iyagoo isu diyaarinaya inay gantaallo wata miinooyin badeed ku ridaan marinka Hormuz,” ayuu yiri taliyaha Tim Hawkins, oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), sida laga soo xigtay CBS oo BBC bah-wadaag la ah.

IRGC ayaa sheegtay in weerarkii Axaddii lagu dilay laba qof, laba kalena lagu dhaawacay, iyadoo ku hanjabtay “jawaab iyo ciqaab”. Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa markii dambe sheegtay in IRGC ay weerar ku qaaday bartilmaameedyo militari oo Mareykanku leeyahay oo ku yaalla Urdun.

BBC ayaa la xiriirtay CENTCOM si ay uga hesho faallo ku saabsan arrintan, balse kama soo jawaabin

WARARKII KALE

Deni oo Boosaaso kula kulmay saraakiil ka socotay Africom

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada...

Yemen” Xasilloonida Soomaaliya iyo Yemen waa laf-dhabarta amniga Badda Cas”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba,...

Istanbul oo Martigelinaysa shirka Isbahaysiga Difaaca Makka ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Magaalada Istanbul waxaa maanta oo Isniin ah ay martigelinaysaa...

Soomaaliya oo Dalalka Carabta ugu Baaqday inay Ka Hortagaan Aqoonsiyo Kale oo la siiyo Somaliland

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir heer caalami ah oo ka dhacaya Serbia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles