Tuesday, August 11, 2026

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa magaalada Qaahira ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladaha ka taagan Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, labada wasiir waxay isla soo qaadeen sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, korontada, tamarta la cusboonaysiin karo, warshadaha dawooyinka iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo cuntada.

Masar ayaa mar kale ku celisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Masar waxay sidoo kale si adag u cambaareysay tallaabada ay Somaliland ku furtay waxa ay ugu yeertay safaarad magaalada Qudus (Jerusalem), iyadoo ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay ee khuseeya magaalada Qudus.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa codsaday in la dardargeliyo dadaallada lagu sii deynayo badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu afduubtay biyaha Soomaaliya, isagoo ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya inay sii waddo dadaallada lagu xaqiijinayo badbaadadooda iyo sii deyntooda.

Masar waxay sidoo kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhismaha hay’adaha dowladda, horumarinta awoodda ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Waxa kale oo ay adkeysay muhiimadda ay leedahay in la helo maalgelin joogto ah oo ku filan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), si uu u guto waajibaadkiisa.

Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa uga mahadceliyay Masar taageerada siyaasadeed, amni iyo horumarineed ee ay siiso Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay mowqifka joogtada ah ee Masar ee ku aaddan difaaca midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in labada dal ay sii wadi doonaan iskaashiga iyo wadatashiga ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa kale ee danaha wadaagga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles