Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in 1-da bisha Agoosto si rasmi ah loo furi doono kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu faray xildhibaanada labada Aqal inay si degdeg ah u soo xaadiraan kalfadhiga, isla markaana ay yimaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan howlaha Baarlamaanka.

Dib u furista kalfadhigan ayaa ku soo aadeysa xilli si weyn loo hadal hayo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole ay wadaan musharixiin dhowr ah oo doonaya xilka hoggaanka Golaha.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayaa indhaha ku haya sida uu noqon doono loollanka xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo imaanaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.

Furitaanka kalfadhiga 8-aad ayaa la filayaa inuu noqdo marxalad muhiim ah oo saameyn ku yeelan karta jihada siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

WARARKII KALE

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

Dagaal qaraar oo ka socda Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel...

Xuutiyiinta oo Raadarro geeynaya Soomaaliya iyo Al-shabaab oo loo Tababarayo Dagaalka Casriga ah

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles