Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in 1-da bisha Agoosto si rasmi ah loo furi doono kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu faray xildhibaanada labada Aqal inay si degdeg ah u soo xaadiraan kalfadhiga, isla markaana ay yimaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan howlaha Baarlamaanka.

Dib u furista kalfadhigan ayaa ku soo aadeysa xilli si weyn loo hadal hayo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole ay wadaan musharixiin dhowr ah oo doonaya xilka hoggaanka Golaha.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayaa indhaha ku haya sida uu noqon doono loollanka xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo imaanaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.

Furitaanka kalfadhiga 8-aad ayaa la filayaa inuu noqdo marxalad muhiim ah oo saameyn ku yeelan karta jihada siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles