Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay siyaasiyiin Soomaaliyeed, isagoo intii kulanka socday jeediyay baaq ku saabsan midnimada iyo ka qeybgalka doorashooyinka.

Ruto ayaa ku boorriyay siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed inay ku midoobaan hal musharrax oo u tartama xilka madaxweynaha Kenya, isagoo ballan qaaday inuu taageeri doono musharraxaas marka uu dhammaado muddo xileedkiisa labaad ee madaxtinimada.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaad noqon kartaan madaxweynaha dalka; maxaad isu neceb tihiin? Weligiin ma aragteen qabiilka Kalenjin oo sidaas isu kala qaybsan?”

Sidoo kale, wuxuu dhaliilay in Soomaalidu aysan is taageerin, inkastoo ay wadaagaan diin, af iyo asal isku mid ah.

Dhanka kale, William Ruto ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay si weyn isu diiwaangeliyaan oo ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka, isagoo xusay in tirada codbixiyeyaasha Soomaaliyeed ay aad uga hooseyso tirada dadka haysta kaararka aqoonsiga.

Wuxuu sheegay: “Waxaad arkaysaa magaalo ay ku nool yihiin 300,000 oo qof oo haysta kaararka aqoonsiga, balse doorashada waxaa ka qeyb gala oo keliya 30,000 oo qof.”

Hadalka Madaxweyne Ruto ayaa imanaya xilli uu ku boorrinayo bulshada Soomaaliyeed ee Kenya inay muujiyaan midnimo siyaasadeed iyo ka qeybgal xooggan oo doorashooyinka ah si ay u kordhiyaan saamayntooda siyaasadeed.

WARARKII KALE

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

Dagaal qaraar oo ka socda Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles