Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay Baarlamaanka dalkaas codsi uu ku dalbanayo in laba sano lagu kordhiyo muddada ay ciidamada Turkigu ka howlgalayaan Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiisyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Qoraalka codsiga ayaa lagu sheegay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u yihiin guud ahaan Geeska Afrika, isla markaana kordhinta muddada howlgalka ay u saamaxeyso ciidamada Turkiga inay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta iyo khataraha kale ee amniga.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale xustay inay tan iyo sanadkii 2011 si joogto ah ula shaqeyneysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo bixisay tababar ciidan, latalin iyo taageero farsamo oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Codsiga ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Turkiga ka codsatay inuu sii wado taageerada dhinaca militariga, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda amniga biyaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

Haddii Baarlamaanka Turkigu ansixiyo codsigan, muddada oggolaanshaha ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ayaa laba sano oo kale la kordhin doonaa marka uu dhammaado waqtiga hadda jira ee ku eg 27-ka Luulyo 2026.

WARARKII KALE

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

Dagaal qaraar oo ka socda Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles