Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Iran

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu saacaddu markay ahayd 1:30 habeenimo Axadda, waqtiga Tehran, bilaabay wareeg cusub oo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Iiraan, isagoo fulinaya amar uu bixiyay Donald Trump.

Wuxuu intaa raaciyey Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka in weerarradan militari ay leeyihiin laba ujeeddo oo waaweyn, kuwaas oo ujeeddada koowaad ay tahay:

“In la sugo amniga isu-socodka maraakiibta caalamiga ah iyadoo sii wiiqaysa awoodda Iiraan ee ay ku hanjabi karto maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.”

Wuxuu intaa ku daray in “Ujeeddada labaad ee jawaabta degdegga ah ee militariga waa in lagu ciqaabo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), taasoo jawaab u ah weerarradii ay xalay ku qaadeen xubno ka tirsan ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jordan.”

Ciidanka Iiraan ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ku beegsadeen laba saldhig oo militari oo Maraykanku ku leeyahay Kuwait, iyagoo sheegay in hawlgalkan uu yahay jawaab ka dhan ah weerarradii Maraykanku ku qaaday dhulka Iiraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles