Cabsi laga qabo inuu fashilmo shirka DF iyo Mucaaradka

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in guddiyadii wada-hadallada u matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ay saacadihii la soo dhaafay yeesheen kulamo gooni-gooni ah, kuwaas oo la xiriiray la-tashiyo ay la kala sameynayeen dhinacyada ay matalaan.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wada-hadallada dib loo furi doono maalinta Isniinta oo ku beegan 20-ka bishan, iyadoo la filayo in labada dhinac ay sii ambaqaadaan doodihii hore.

Sidoo kale, xubno ka tirsan guddiga mucaaradka ee wada-hadallada ku matalaya, kuwaas oo safar dibadda ah ku maqnaa, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan kulanka la qorsheeyay.

Dhanka kale, warar hoose oo laga helayo ilo ku dhow wada-hadallada ayaa tilmaamaya in kulanka Isniinta uu wajahayo caqabado waaweyn, islamarkaana ay jirto suurtagalnimo ah inuu ku dhammaado isfaham la’aan, taas oo keeni karta in wada-hadalladu fashilmaan haddii aan la isku soo dhowaan mowqifyada labada dhinac.

Dhinacyada ayaa dood adag ku dhexmari doonto magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles