Cabsi laga qabo inuu fashilmo shirka DF iyo Mucaaradka

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in guddiyadii wada-hadallada u matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ay saacadihii la soo dhaafay yeesheen kulamo gooni-gooni ah, kuwaas oo la xiriiray la-tashiyo ay la kala sameynayeen dhinacyada ay matalaan.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wada-hadallada dib loo furi doono maalinta Isniinta oo ku beegan 20-ka bishan, iyadoo la filayo in labada dhinac ay sii ambaqaadaan doodihii hore.

Sidoo kale, xubno ka tirsan guddiga mucaaradka ee wada-hadallada ku matalaya, kuwaas oo safar dibadda ah ku maqnaa, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan kulanka la qorsheeyay.

Dhanka kale, warar hoose oo laga helayo ilo ku dhow wada-hadallada ayaa tilmaamaya in kulanka Isniinta uu wajahayo caqabado waaweyn, islamarkaana ay jirto suurtagalnimo ah inuu ku dhammaado isfaham la’aan, taas oo keeni karta in wada-hadalladu fashilmaan haddii aan la isku soo dhowaan mowqifyada labada dhinac.

Dhinacyada ayaa dood adag ku dhexmari doonto magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

Dagaal qaraar oo ka socda Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles