Monday, February 16, 2026

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo Isbitaalka Xoogga ku booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay deegaanka Ceel Cali Axmed

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan, xildhibaano ka tirsan labada gole, agaasime ku xigeenka madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowldda ayaa kormeer ku tagay isbitaalka xoogga oo lagu dabiibayo ciidamada qaranka iyo Qaar kamida Geesiyadii deegaanka ee kusoo dhaawacmay dagaalkii jabka weyn loogu geystay argagixisada Alshabaab ee ka dhacay Deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Wasiir Cali Xaaji ayaa mid mid u dul istaagay bukaanada wuxuuna ka xog wareystay xaaladooda caafimaad, isagoo xusay ineey dowladoodu mar walba garab taagantahay oo ay si gooniya uga warqabto xaaladooda,maadaama

ay geesinimo leh cadowga uga difaaceyn dadkooda iyo dalkooda. Wuxuuna Alle uga baryay inuu u booga dhayo.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ugu dambeyn warbaahinta qaranka la hadlay ayaa bogaadiyay Ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka naf hurnimada leh kula jira Argagixisada Alshaab, Wuxuuna dhinaca kale ballanqaaday ineey isbitaalka xoogga ku wareejin doonaan sariiro, gawaari iyo agab kale oo caafimaad.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho

Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa...

Lafta gareen oo shir xasaasi ah la qaatay saraakiisha Koofur Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi...

Soomaaliya iyo Tanzania oo heshiis is afgarad ah kala saxiixday

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee...

Baarlamaanka oo maanta dood ka yeeshay Dastuurka

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles