Saturday, March 22, 2025

Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Saldhiggii Curaar ee Daacish

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta ku guuleystay in ay la wareegaan saldhigga Curaar, oo ahaa mid kamid ah difaacyadii ugu adkaa ee kooxda Daacish ee gobolka.

Hawlgal qorsheysan oo ay saaka fuliyeen ciidamada Puntland ayaa lagu qaaday fariisimihii Daacish ee deegaankaasi, iyada oo lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo saldhigga muhiimka ah ee Curaar.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, saldhiggan ayaa ka mid ahaa xarumaha ugu adag ee ay kooxdaasi ku lahayd gobolka, gaar ahaan togga Jeceel oo ay ku xoogganaayeen dagaalamayaashu.

Warar hordhac ah oo laga helayo hawlgalkii saaka ayaa tilmaamaya in ciidamada Puntland ay gebi ahaanba la wareegeen difaacyadii Curaar, halkaas oo ay Daacish horay uga dhisatay saddex difaac oo muhiim u ahaa.

Ciidamada ayaa weli wada baaritaanno amni, waxaana la sheegay in goobta laga helay mootooyin iyo gaadiid burburay oo la rumeysan yahay in ay waxyeello kasoo gaartay duqeymo dhawaanahan lala beegsaday kooxda Daacish.

Qabashada saldhigga Curaar ayaa loo arkaa mid xoojinaysa dagaalka Puntland ay kula jirto Daacish, iyadoo la sheegay in ciidamada ay qabsadeen degaanno hor leh, iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah sida Mareykanka.

Waxaa la filayaa in howlgalka lagu beegsanayo Daacish uu sii socon doono maalmaha soo socda, iyadoo saraakiishu ay ballan qaadeen in la burburin doono goobaha ay weli ku harsan yihiin dagaalamayaasha kooxdaasi.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles