Friday, March 21, 2025

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo Isbitaalka Xoogga ku booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay deegaanka Ceel Cali Axmed

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan, xildhibaano ka tirsan labada gole, agaasime ku xigeenka madaxtooyada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowldda ayaa kormeer ku tagay isbitaalka xoogga oo lagu dabiibayo ciidamada qaranka iyo Qaar kamida Geesiyadii deegaanka ee kusoo dhaawacmay dagaalkii jabka weyn loogu geystay argagixisada Alshabaab ee ka dhacay Deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Wasiir Cali Xaaji ayaa mid mid u dul istaagay bukaanada wuxuuna ka xog wareystay xaaladooda caafimaad, isagoo xusay ineey dowladoodu mar walba garab taagantahay oo ay si gooniya uga warqabto xaaladooda,maadaama

ay geesinimo leh cadowga uga difaaceyn dadkooda iyo dalkooda. Wuxuuna Alle uga baryay inuu u booga dhayo.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ugu dambeyn warbaahinta qaranka la hadlay ayaa bogaadiyay Ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka naf hurnimada leh kula jira Argagixisada Alshaab, Wuxuuna dhinaca kale ballanqaaday ineey isbitaalka xoogga ku wareejin doonaan sariiro, gawaari iyo agab kale oo caafimaad.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles